hawada loo diro waana xayawaan jecel inuu kaligii noolaado iyadoo ay labada nibiri ama xuut ay kala fogadan masaafo dhan 1600 KM Afkiisa waxa dhex seexan kara ama dhex istaagi kara in ka badan 80 Qof Waxa uu badana noolada xayawankani 90 Sano mararka qaarkood wuxuu gaadha 100 Sano iyo wax ka badan Xayawankan aadka u wayni malaha ilko … culayska wadnihiisa waxa lagu qiyaasa 900 Kg daqiiqadi waxa uu wadnihiisu garaac sameeya 5 Ama 6 Jeer … Garaaca wadnihiisa waxa laga maqli karaa masaafo ah 3Km .. daldaloolada wadnihiisa waxa dhex seexan kara qof bani_aadam ah si bilaa cidhiidhi ah Codkiisa waxa lagu qiyaasa inuu leegyahay codka uu soo saro motorka Diyaradaha [Plans] waana cod aad u wayn … culayska carabkiisa waxa lagu qiyaasa 4 TON oo u dhiganta 4000 Kg waana mid leeg culayska maroodiga Cuntada uu cuno maalinti waa cunto aad u badan oo lagu qiyaaso misaan ahaan 4 Ton ama 4000Kg inta badan xayawankani waa mid aan dhibaatayn dadka ama doomaha maraya bada marar dhif iyo naadir ah ayaa laga yaaba inuu dhibaato soo gaadhsiiyo waana marka ay gaajo badan hayso Nibiriga dhediga ah ayaa ka xajmi wayn ka labka waxay mida dhediga dhasha 2 sano ama 3 sano hal Mar waxaanay uurka ku sida 12 Bilood …. Ilmaha ay dhasho culayskiisu waxa uu gaadhaya . 2.5 TON ama 2500 Kg Dhererkiisu wuxuu gaadhaya 7 meter waa nibiriga Dhasha ah Nibiriga buluuga ah waa mid aaad u dheereeya waxanu awooda inuu jaro 5 Mile Saacadii halka marka uu khatar dareemo uu jaro 30 Mile Saacadii

0 Comments