Marka aad maqashid dalka japan waxa ugu horeeya ee maskaxdaada kusoo
dhacaya waa inuu yahay dal horumarsan dadkiisu ku suntanyihiin dhaqan wanaagiyo ixtiraam safafka horena kaga jira dalalka hogaanka u haya technologiyada
aduunka
Lkn waligaa hore ma u maqashay sheekada Unuga 731 > waa mid kamid ah baalasha madow ee ay
leedahay taariikhda japan waa shaybaadh yoolkiisu ahaa inuu ku sameeyo dadka laga soo
qafaashay dagaalada tijaabooyin ka baxsan bani_aadantinimada
qaybtood waxa la qali jiray ama la jari jiray xubnaha jirkooda iyagoon la
suuxin qaybtoodna waxa lagu tijaabin jiray hubka biologyga ah si loo ogaado
dhawaaca uu hubkaasi u gaysan karo bani aadamka iyo tijaaboyin kale oo marka
aad maqashid aanad suraysan Karin
hadaba muxuu ahaa shaybaarkan maxayse ahayen tijaaboyinki lagu samayn jiray unuga 731?
Waxa uu ahaa shaybaaradi ugu naxariista darnaa ee abid aadamuhu uu maqlo unugan ama
shaybaarkan ayaa sameeyay tijaaboouin kala duwan intii uu socday dagaalki 2aad ee aduunka
cida tijaabada lagu samaynayana waxay ahaayen dadka laga soo qafaasho dagaalada
shaybaadhkan ayaa la asaasay sanadkii 1932 waxana maal galintiisa iyo fikradiisaba lahaa
ciidankii dalka japan iyadoo la yagleelay gobolka manshoria yoolka ciidanka ayaa ahaa in saldhigan
u noqdo xarunta ay ku tijaabiyaan kuna horumariyaan hubabkooda biologyga ah iyo chemical ka ah
Si japan uga mid noqoto dalalaka ugu awooda badan una yeelato hub sida ba,an wax u gumaada ..
ciidankii japan ayaa shaybaarkan keeni jiray badi maxaabiistii ay kazoo qafaasheen dagaalkii
2aad ee aduunka sida maxaabiistii Chinese,Russian, iyo bangaalida kadibna shaybaadhkan ku
tijaabin jiray hal abuuradooda dadkan maxaabiista ah
Tijaabooyinkii lagu samayn jiray shaybaarkan waxa kamid ahaa :
Qalida dadka maxaabiista ahaa iyaga oo aan la suuxin
miyirkooduna uu joogo. Halka maxaabiista qaar lagu
mudi jiray irbado madhan oo ay ku jirto Hawo oo
kaliya si ay u ogaadan inta daqiiqo ee uu qofku ku
dhiman karo hadii uu qaato irbad ay hawo ku jirto oo keeni jirtay in mudo yar kadib markii lag mudo irbadan
ay hawadu ku jirto ay u dhintaan maxaabiistu wadne istaag dartii
Sidoo kale waxa maxaabiista qaar lagu samayn jiray tijaabo ku aadan inta uu qofku noolaan karo
biyo iyo cunto la,aan ilaa marka danbe ay ka dhintaan
Sidoo kale maxaabiista qaar ayaa lagu xidhi jiray tiirar isku dhow dhow kadibna waxa lagu soo
tuuri jiray bombs ka samaysan huba chemical ah si ay u ogaadaan dhawaca uu u gaysan karo
hubkani jirka bani aadamka
Sidoo kale tijaaboyinka kale ay samayn jireen waxa kamid ahaa inay sameeyan tijaabo la
xidhiidha qiyaasida heer kulka ugu sareeya ee uu jirka banii aadamku u dulqaadan karo
kulaylka xad dhaafka
Shaybaarkan ayaa tijaabooyin ku sameeyay maxaabiis u dhaxaysa 6000 ilaa 21000 … oo
dhamaantod loo ciqaabay qaababka aynu kazoo sheekaynay iyo qaabab kale oo ka arxan daran
Kadib markii uu dhamaaday dagaalki 2aad ee aduunku unugan ayaa lakala diray ay shaqadoodi
bartaa kuu eekayd halka ragii ka shaqaynayayna lagu abaal mariyay xilal sare oo ka qabteen
dowladii japan iyo sidoo kalaba cisbitaalo ugu tunka waynaa dalkaasi
Lkn mudo yar kadib badi ragan ayaa waashay qaybtoodna waxa ku dhacay xanuuno dhanka
dhimirka ah …. Japan ayaa inkiri jirtay jiritaanka unugan iyo shaybaarkan ilaa laga soo gaaray
sanadkii 1984 oo ay shaacisay inuu jiray unugani sababna uu u ahaa tacadiyooyinkan arxanka daran..

0 Comments